skip to Main Content

Kenya oo baaraysa sababbihii keenay shilkii uu ku dhintay Janaraal Francis Ogolla

By isxaaq Rashiid Dawladda Kenya ayaa koox baarayaal ah u dirtay burburka diyaaradda ay ku dhinteen taliyihii ciidamada qalabka sida Janaraal Francis Ogolla iyo sagaal qof oo kale.

Illaa hadda ma cadda sababbaha keenay burburka diyaaradda oo ah nooca qumaatiga u kaca ee helikobtarka.

Janaraal Ogolla ayaa kamid ahaa 12 qof oo saarnaa diyaaradda oo galin kii dambe ee khamiista dhacday wax yar uun kaddib, markii ay ka kacday garoon ku yaala waqooyiga galbeed ee dalka.

Janaraalka ayaa lagu aasi doonaa maalinta Axadda ah hoygiisa oo ku yaala galbeedka ismaamulka Siaya, sida ay qoyskiisu sheegeen.

Isagoo ku dhawaaqayay sedex maalmood oo baroordiiq qaran ah, ayaa Madaxweyne William Ruto waxa ku tilmaamay geerida Janaraalka mid murugo ku riday wadanka Kenya .

Janaraal Ogolla ayaa taliyaha ciidamada qalabka sida ee dalka Kenya loo magacaabay bishii Abriil, ee sanad kii hore .

“Wadankeena hooyo waxa uu waayay mid kamid ah janaraalladii ugu geesisanaa,” ayuu Ruto u sheegay dadeynaha.

Janaraal Ogolla ayaa ciidanka difaaca Kenya ku biiray bishii Abriil, 1984 kii, sida laga soo xigtay bogga wasaaradda difaaca Kenya.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top