Skip to content

Kenya oo maanta looga dabbaal dagay xilligii ay jamhuuriyad noqotay

By Abdinajib Abdullahi

Waxaa fagaaraha taarikhiga Nyayo ee magaalada Nairobi maanta lagu qabtay munaasabaad ay Kenya ugu dabbaal dagtay sanadguuradii 59-aad ee ka soo wareegatay xilligii ay noqotay jamhuuriyad.
12-kii bishii Diseembar ee sanadkii 1963-dii ayay Kenya u suurtagashay inay lahaato maamulka gudaha ka dib markii ay madax bannaanida ka qaadatay guumaystihii Ingiriiska.
Xuskan ayaa noqonaya midkii labaad uu madaxweynaha dalka oo xilka la wareegay 13-kii bishii Sagaalaad ee sanadkan ku hoggaamiyay shacabka.
20-kii bishii 10-aad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweyanaha dalka uu kenyaanka ku hoggaamiyay xuska maalinka halyeeyada ee Mashujaa Day.
Sanadkan waxaa xuska Jamhuri Day diiradda lagu saaray tiknolojiyadda iyo hal-abuurka.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo khudbad ka jeediyay xuska maalinkan ayaa sheegay in tignoolajiyadda ay qayb ka noqotay in loo adeegsado barnaamijka sanduuqa ay dowladda dhexe ugu talagashay inay ganacsatada yaryar ku taageerto ee Hustler Fund.
Waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda nidaamkan ay iska diiwaangeliyeen ku dhawaad 15.4 milyan oo qof.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa intaasi ku daray in barnaamijkan la billabay 12 cisho ka hor ay kenyaanka dib u bixiyeen lacag dhan 1.2 bilyan oo shilin oo laga deynsaday sanduuqa Hustler Fund.
Waxaa uu xusay in barnaamijkan ilaa iyo hadda laga amaahday lacag dhan 7.54 bilyan oo shilin.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top