Skip to content

Kenya: werar lagu qaaday Hananka dhijitalka ee Addegyada dawlada oo la xaliyay!

By Ayanle Dhiire 

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in ugu dambeyn la xalliyey caqabad soo foodsaartay hannaanka casriga ee lagu bixiyo adeegyada dowladda ee E-Citizen.
Tani ayaa timid ka dib markii koox aan weli la aqoonsan ay iskudayday inay bartan u dhacdo.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa bayaan ku sheegay in dadaal dheer ka dib la xalliyay culeyskii ay dareemayeen dadweynaha u baahan adeegyada dowladda.
Waxaa uu intaasi ku daray in barta E-citizen ay hadda sidii caadiga ahayd u shaqeynaysa.
Wasiirka isgaarsiinta, Eliud Owalo ayaa dhankiisa kenyaanka u xaqiijiyay in kooxda weerarka soo qaadday aynan ku guulaysan inay helaan macluumaad oo ay si khaldan u adeegsadaan!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top