By isxaaq Waxaa magaalada muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka madaxda dowladda dhaxe iyo maamulada…

Kenya_ koox doneyso in Dastuurka dalka wax laga bedelo
By Ayanle Dhiire
Waxaa shalay 13 sano ay ka soo wareegatay xilligii la soo saaray dastuurka hadda laga isticmaalo Kenya
Waxay ku beegnayd sanadguuradii 13-aad ee ka soo wareegatay xilligii la soo bandhigay dastuurka hadda wadanka Kenya u degsan.
27-kii bishii Sideedaad ee sanadkii 2010-kii ayay ahayd markii uu shaaca ka qaaday madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki.
Waxyaabihii ugu weynaa ee uu dastuurkan dalka u horseeday ayaa ah in la soo dhisay dowlad deegaano ka kooban 47.
Maamulka ayaa loo daadajiyay deegaannada hoose waxaana uuna nidaamkan si rasmi ah u dhaqangalay 2013-kii .
Isbeddellada uu keenay waxaa ka mid ah xilalka barasaabka ismaamulka, senatarka, wakiilka haweenka iyo wakiillada deegaannada hoose ee loo yaqaano MCAs.
Dhanka kale, koox uu horkacaya garyaqaan sare Prof. Patrick Lumumba ayaa sheegay in dastuurka uu u bisil yahay in dib loo qiimeeyo.
Kooxdan ayaa soo bandhigtay toddobo qodob oo u baahan wax ka beddel, iyada oo diiradda koowaad la saaray dhinacyada la xiriira hoggaaminta, daacadnimada, doorashooyinka qaranka, qaab dhismeedka sharci dejinta iyo matalaadda.
Waxaa sidoo kale qodobbaada ku jira, waaxda fulinta qaran, nidaamka dowlad wadaajinta, sidoo kale guddiyada iyo xafiisyada madaxa bannaan.
Prof. Lumumba ayaa shaaca ka qaaday in kooxdan oo ka kooban afar qof ay qorsheynayaan inay billaabaan olole saxiix uruurin ah
Ololahan ayaa ujeedaddiisu tahay in la billaabo hannaanka wax ka beddelka toddobada qodob ee dastuurka oo ay doonayaan in qiimeyn lagu sameeyo.
Dadaalladii ugu dambeeyay ee la doonayo in dastuurka Kenya wax looga beddello ayaa ahaa qorshihii sharci beddellka ay maxkamadda meesha ka saartay ee BBI, oo ay hoggaaminayeen madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga.
This Post Has 0 Comments