By isxaaq Waxaa magaalada muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka madaxda dowladda dhaxe iyo maamulada…

Kenya_ Qiimaha cussub ee shidalka oo manta la shaacin Doono
By Ayanle Dhiire
Maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka ee dalka ee EPRA ayaa lagu wadaa inuu maanta shaaca ka qaado qiimaha cusub ee lagu kala iibsan doono badeecooyinka shidaalka.
Tani ayaa timid ka dib markii uu baarlamaanka ansixiyay soo jeedin ahayd in canshuurta laga qaado shidaalka oo horay u ahayd boqolkiiba 8 in laga dhigo boqolkiiba 16.
Waxaa tallaabada baarlamaanka xigtay in 26-kii bishan uu madaxweynaha dalka William Ruto qalinka ku duugay hindisaha la meel mariyay.
Gudaha ismaamulka Nairobi waxaa hadda halkii liitar ee batroolka nooca Super lagu iibiyaa 182 shilin, naaftada waa 167 shilin liitarkii halka Kerosene uu yahay 161 shilin.
Hoggaamiyaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in khuburro kala taliya arrimaha dhaqaalaha ay soo jeediyeen in la kordhiyo canshuurta laga qaado badeecooyinka shidaalka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabadan ay dowladda dhexe fursad u siinaysa inay hesho dakhli gaaraya 50 bilyan oo shilin.
Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ayaa dhankiisa soo saaray tallaabooyin uu doonaya in dowladda dhexe looga hor istaago ama ay ku adkaato inay uruuriso canshuur dheeraad ah sida in la yareeyo isticmaalka baabuurta oo ay dadka inta badan lugeeyaan
This Post Has 0 Comments