Skip to content

Khilaafka qoor qoor iyo kuxigeenkiisa oo sii xoogeystay iyo xogo cusub

Warqad ka soo baxday madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa shaqada looga joojiyay wasiirka arimaha gudaha Galmudug ka dib markii lagu edeeyay in uu xagal daaciyay dagaalka ka dhanka ah AS.

Dhanka kale,  Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa buriyay oo waxba kama jiraan ka soo qaaday warqadan ka soo baxday xafiiska madaxweyne kuxigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug ka dib Warqad ka soo baxday Xafiiskiisa .

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in arrintan ay ka soo horjeedo dastuurka Galmudug, sidoo kalena ay baal marsantahay awoodaha dastuurka Galmudug siinayo madaxweyne kuxigeenka,

Madaxweyne Qoor Qoor  ayaa faray laamaha amniga in wajibkooda ka gutaan cida kasto oo wax u dhimi karta amniga iyo xasiloonida degmada Cabudwaaq” ayaa lagu yiri qoraalka .

Khilaaf  cusub ayaa soo kaala dhex galay labada Mas’uul  oo midba midka kale uu lee yahay in isaga uu isla sacan yahay

Arintaan ayaa saameyn ku yeelan karta Hawlaha shaqo ee Hay’adaha Dawlad goboleedka Galmudug mana jirto gacan aay ka geysatay dowladda dhaxe oo si rasmi ah u dhex dhexaadiso

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top