Skip to content

Kulamo ka dhan ah Mw Xasan sheikh ayaa ka socda Nairobi

Kulamo siyaasasadeed oo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa waxaa uu ka socdaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana kulamadan wada madaxdii hore ee soo maray Dalka.

Xubnaha kulamada ugu socda  Magaalada Nairobi ayaa waxaa ka mid ah R/wasaareyaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Cabdi weli Sheekh Axmed, Cabdi Faarax Shirdoon Saacad iyo guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal.

 

 

Dhinayacda ayaa ka wadahadlay marxalada siyaasadeed uu xiligan dalka marayo, Waxaana si qoto dheer looga hadlay xasilooni darrada siyaasadeed iyo walaaca sii kordhaya ee ka jira gudaha Soomaaliya.

Siyaasiyiintan ayaa sheegay in dalka uu ku sii socdo jihada mugdiga ah, iyadoo ficillada iyo hab-dhaqanka Dowladda hadda jirta ay dhaawacayaan danaha ummadda Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale si weyn loo xusay walwalka ay shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka qabaan jahwareerka siyaasadeed ee taagan.sida lagu sheegay qoraal uu bartiisa bulshada soo dhigay R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale siyaasiyiintan ayaa Waxaa ay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada siyaasadda in ay ka shaqeeyaan midnimo, isu tanaasul iyo badbaadinta dalka.

Xubnahan ayaa soo jeediyay  In la bilaabo wada hadal qaran oo daahfuran iyo In lagu heshiiyo doorasho xor ah, xalaal ah, waqtigeedana ku dhacda.

Kulamada Nairobi ayaa la filayaa inay horseedaan mowjado cusub oo siyaasadeed, iyadoo ay muuqato in mucaaradka siyaasadeed uu isu diyaarinayo olole ballaaran oo lagu muujinayo cadaadis ka dhan ah Villa Soomaaliya. Waxa ay dhanka kale fursad u tahay in la helo hannaan cusub oo qaran oo ku dhisan wadatashi, heshiis iyo kalsooni dadweyne.

Back To Top