Skip to content

Kulan deg deg ah oo ka dhacay magaalada Jowhar ee xunta Maamulka Hirshabeelle

By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada Hirshabeelle, kaas oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Waxaa kale oo ka qeyb galay shirka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo masuuliyiin ka socotay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA) oo uu hoggaaminayay Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Shirka gaarka ah ayaa warbixin looga  dhageystay Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle oo ku aadan raadadka ay reebtay Elnino.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin ayaa dhankiisa ka warbixiyay fatahaadihii ka dhacay dalka iyo cabsida xoogan ee laga qabo Roobka Guga’

 

 

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa faray dhammaan cida ay khuseyso inay ka hor dhacdada ay talaabo qaadaan si loo yareeyo khatarta ay geeysaneyso.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top