skip to Main Content

Loolanka kuraasta HOP147 iyo HOP138: Mahad Salaad, Cali Yare iyo CC Shakuur

By:abdinajib abdullahi

Galmudug ayaa dhawaan sii deysay 21 Kursi oo ku hartay magaalada Dhuusamareeb, waxayna ka mid ahaayeen 26 Kursi oo Golaha Shacabka ah oo loo qorsheeyey in lagu doorto caasimadda Galmudug.

5 Kursi oo hadda ka hor halkaas lagu doortay ayaa waxaa qaarkood laga keenay dood xoog leh oo xataa saameysay Dowladda Dhexe. Kuwa hadda ay soo dhajisayna waxaa ku jira qaar si weyn loo hadal hayey waqti dheer, lana sugayey doorashadooda.

Warbixintaan waxaa ku eegeynaa Labada Kursi ee laga leeyahay magaalada Guriceel ee HOPP#147 iyo HOPP#138 kuwaas oo xiiso weyn xambaarsan.

Kursiga HOPP#147 waxaa in muddo ah ku fadhiyey Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, oo Shantii Sano ee lasoo dhaafay ahaa mucaarad aan is qarin, wuxuu talo iyo tabar ku darsaday dariiq walba oo lagu diidanaa nidaamka waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Mahad oo kamid ah xubnaha xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sanadkaan wajahaya loolan culus oo kursigiisa ah.

Hardanka ugu weyn wuxuu kaga imaanayaa Ninka dhallinyarada ah ee Cali Yare Cali oo hadda ku magacaaban guddoomiye ku xigeenka Amniga ee Gobolka Banaadir.

Cali oo waqti dheer kamid ahaa taageerayaasha madaxweyne Farmaajo ayaa waqti dhow lagu soo daray nidaamka dowliga ah.

Xilka guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir iyo fursadda Ganacsi ee Jaadka laga keeno Itoobiya waxay ka dhigan tahay inuu Cali Dhaqaale ahaan u diyaarsan yahay in uu tartamo sanadkaan.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo kursigaan gacanta ku hayo uma badna inuu qof u boobi karo marka la eego foojignaanta iyo abaabulka reerka Kursiga iska leh.

Wax walba ayaa macquul ah haddii la isku dayo in Reerka Kursigaan iska leh xoog lagu dayo. Waxay u badan tahay in kursigaan si toos ah loogu tartami doono.

Qoor Qoor iyo Mahad Salaad waa isku dhawaayeen wixii ka dambeeyey dagaalkii Ahlu Sunna looga saaray Magaalada Guriceel kaas oo Mahad uu Maamulka raacsanaa halka Cali Yare lagu eedeeyey inuu jiray dhanka Ahlu Sunna.

Waxaa Cali culeys ka dhigayo ballanta doorasho ee u dhaxeysa madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Markii dhanka Federaalka la eego waxaa isku dhow Qoor Qoor iyo Cali Yare Cali, balse markii danta Galmudug la fiiriyo waxaa isku dhow Mahad Salaad iyo Qoor Qoor.

Xaaladahaas waxay iftiiminayaan in kursigaas uu xaalkiisa culus yahay. Ganacsatada waaweyn ee Reerka Kursigaan iska leh ayaa iyaguna waqti dheer talo ku lahaa kursigaan.

Waxaa la sheega inay Mahad Salaad taageersan yihiin, laakiin marka la eego xaaladda uu kursiga wajahayo sanadkaan waxay ku qasban yihiin inay ka shaqeeyaan in doorashadu noqoto mid furan oo loolanka Kursiga uusan isku badalin foodo.

Kursigaan waxaa sidoo kale raadinayo Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad, nin la taliye ka ah xafiiska Rooble oo lagu magacaabo Ashkir, wasiirka qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Geelle iyo xubno kale.

Doorashada kursigaan mar waxaa loo arkaa mid xiiso leh marka la eego shakhsiyadka ku loolamayo marna waxaa loo arkaa mid halisteeda leh haddii uu maamulka isku dayo inuu si qaldan u maareeyo.

Kursiga labaad ee isna xiisaha leh waa HOPP#138: Kursigaan waxaa Afartii Sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Ganacsade Saciid Nuur Gariish. Waxaa si weyn loo dhaleeceeyey matalaadiisii Afartii Sano ee lasoo dhaafay.

Kulamo reerka Kursigaan iska leh ay ku qabteen Magaalada Muqdisho waxay ku iclaamiyeen baahida isbadalka. Dadka Kursigaan u sharaxan waxaa ugu horreeyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kaas oo 5-tii Sano ee lasoo dhaafay ahaa mucaaradka ugu weyn ee kasoo horjeeday hab-maamulkii Farmaajo.

Warsame oo mar la isku dayey in la khaarijiyo markii gurigiisa lagu weeraray waxaa la sheegay in Reerka go’aansadeen in Kursiga isaga la siiyo. Hase yeeshe sidaas oo ay tahay weli nidaamka madaxweyne Farmaajo waxaa lagu eedeenayaa inay beegsanayaan Cabdiraxmaan oo ay musharixiin kale lacag soo siiyeen si ay kursiga ugu qabsadaan.

Sidoo kale, Qoor Qoor ayaa la sheegay inay Villa Somalia ku cadaadineyso inuu sameeyo dariiq walba oo Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu dhaafin karo Kursigaan, balse arrinta aan la dhaafi karin waa inaan Kursigaan loo sameyn karin Ergo been ah oo aan la boobi karin, sidoo kalana ay adag tahay in Reerka lagu qanciyo inay kursiga u diidaan Cabdiraxmaan oo ay ogyihiin wixii dhibaato iyo is hor istaag lagu sameeyey Shantii Sano ee lasoo dhaafay.

Kursigaan wuxuu ku jiraa Kuraasta dabka ku ah Qoor Qoor ee dhallin kara xiisadaha Amni haddii la isku dayo in la boobo.

Inkastoo la sheegay in reerka isku raaceen in kursigaan la siiyo Cabdiraxmaan, haddana musharixiinta kale ee kursigaan raadinayo waxaa kamid ah Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde, Nin wasiir ka ah Koonfur Galbeed iyo xildhibaanka hadda ku fadhiya Kursiga Saciid Nuur Gariish.

Xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media
Back To Top