skip to Main Content

Maalinta la qabanayo doorashada madaxweynaha cusub oo la shaaciyey

By Abdinajib Abdullahi

Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay in 15-ka May ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha.

Soomaaliya ayaa yeelan doonta madaxweyne cusub 10 maalmood gudahood, haddii uu sidiisa u fulo jadwalka uu guddigaan shaaciyay.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay inay ku timid cadaadiskq Beesha Caalamka, oo hakad galiyay dhaqaalihii iyo deeqihii ay siin jirtay Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo kala gooni-gooni ah oo shalay yeesheen waxay iska soo xuleen guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo dardar xoogan galiyay qabsoomida doorashada.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha  ayaa dhan 17 xubnood waxayna 10 kamid ah iska soo dhex xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay soo xuleen xildhibaannada Aqalka Sare, halka Xubinta 17-aad uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaalada kala guurka, ayada oo hanaanka doorashooyinka ay wajaheen culeyso iyo khilaafyo hor leh oo markii dambe badankooda xal laga gaaray.

Xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top