skip to Main Content

Madaafiic lagu weeraray Baraawe oo sababay dhimasho iyo dhaawac

By Abdinajib Abdullahi

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday madaafiic oo maanta lagu qaaday gudaha magaallo xeebeedka Baraawe oo ay haatan ka socoto doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in hoobiyeyaasha qaarkood ay ku hubteen qaybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan xaafadda Dayax oo ay ku taallo Madaxtooyada dowlad Koofur Galbeed Soomaaliya, taas oo ay haatan ka socoto doorashada baarlamaanka.

Ugu yaraan hal qof oo aheyd haweeney ka mid ah dad deegaanka ayaa ku dhimatay weerarkan, halka ay ku dhaawacmeen 3 qof oo kale, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Dadka deegaanka ayaa waxaa sidoo kale soo wajahday cabsi xoogan oo la xiriirta weerarkan, maadaama madaafiicda ay ku dhaceen xafado ay dagaan yihiin shacab.

Sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee loo geeyey Baraawe inay sugaan amniga doorashada ayaa howl-gallo sameeyey, kadib madaafiicda lagu garaacay magaaladaasi, balse ma jirto ilaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ka bixiyeen weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weli socota doorashada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ku dhowaad 10 xildhibaan ayaa iyo llaa iyo hadda lagu doortay magaaladaan oo ay maanta ka bilaabatay doorasho ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Koonfur Galbeed.

Si kastaba, ammaanka doorashada ayaa marar badan laga digay in la carqaladeedyo, ayada oo qubarada amniga ay horey u sheegeen in Al-Shabaab ay ka faa’iideysan karto mashquulka lagu yahay doorashada, maadaama saraakiisha ciidamadu ay ku milmeen.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top