Skip to content

Madaxda bariga Afrika oo ku baaqay xabad joojin ka dhaqan gasha DRC

By Abdinajib Abdullahi 

Madaxda waddamada bariga Afrika ayaa soo saaray baaq ah in xabad joojin laga dhaqan geliyo jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Waxay dalbadeen in dhinacyada ku dagaallamaya bariga dalkaasi inay si degdeg ah u soo afjaraan iskudhacyada.
Bariga Congo ayaa waxaa isku haya ciidamada ammaanka ee dowladda DRC oo garab ka helaya xubnaha EAC iyo fallaagada M23 oo ka soo horjeedda.
Mas’uuliyiinta ayaa baaqa ku aaddan xabad joojinta ka soo saaray shir goboleed ay ku yeesheen magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi.
Dagaalka ka taagan Congo gaar ahaan gobolka North Kivu ayaa waxaa tan iyo bishii Saddexaad ee sanadkii hore ku barakacay ugu yaraan 520,000 oo qof.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top