By isxaaq Daadad ayaa ka soo rogmadey magaalada Muqdisho kadib markii roobab culus oo socday…

Madaxweynaha dalka kenya oo saxiixay Hindisaha Lacagaha loo qondeeyo ismamulada
By Ayanle Dhiire
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku saxiixay xeerarka dakhliga la siiyo ismaamullada iyo midka deegaannada la iskula simo dhinaca horumarka ee sanadkan 2023-ka.
Hindisayaashan ayaa muhiim u ah maalgelinta ismaamullada.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo sanad maaliyadeedka 2023/2024-ka uu berri billaabanaya.
Xeerka qoondeynta dakhliga dowlad deegaannada ayaa 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay u qoondeynaya 385.4 bilyan oo shilin oo ay qaybsanayaan.
Ismaamulka Nairobi ayaa la siin doonaa lacagta ugu badan oo ah 20.07 bilyan oo shilin.
Sharciga labaad ee uu madaxweynaha maanta qalinka ku duugay ee The Equalitization law ayaa dhigaya in ismaamullada dhanka horumarka uga dambeeya kuwa kale oo gaaraya 34 ay dowladda dhexe siin doonto 10.3 bilyan oo dheeraad ah si shacabka loogu fidiyo adeegyada aasaasiga ee biyaha, waddooyinka , caafimaadka iyo korontada.
Ismaamulladan ayaa kala ah Turkana, West Pokot, Baringo, Kajiado, Bungoma, Busia iyo kuwo kale.
Waxaa madasha uu madaxweyne Ruto ku saxiixayay labada sharci goob joog u ahaa ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi, guddoomiyaha aqalka sare ,Amason Kingi,xeer ilaaliyaha guud Justin Muturi, hoggaamiyaha aqlabiyadda ee senate-ka Aaron Cheruiyot, senatarka ismaamulka Mandera ahna guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee aqalka sare Cali Ibraahim Roba iyo mas’uuliyiin kale!
This Post Has 0 Comments