skip to Main Content

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay qaraxyadii ay Al-Shabaab maanta ka gaysatay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

 ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa sidatan u qornaa:

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku shahiiday qaraxii ay argagixisada cadowga ah ka geeysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Khawaarijtu ay cadow ku yihiin nolosha iyo jiritaanka umadda Soomaaliyeed, Isagoo xusay in Khawaarijtu ay ku jabeen dagaaladii lala galay ee looga xureeyay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada dalka looga tirtirayo Khawaarijta alshabaab ee u taagan xasuuqa shacabka iyo beegsiga haldoorka dadkeenna.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.
Khawaarijtu waa u dhqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kana ka niyad jabi doonno ciribtirka khawaarijta”
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxii saaka ee degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top