By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Madaxweynaha kenya oo Difaacay hindise maliyadeedka sanadkan oo ay kenyan badan kaso horjeddan
By Ayanle Dhiire (Boundless Media) Nairobi
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Busia waxaa uu difaacay hindise maaliyadeedka sanadkan ee baarlamaanka hor yaalla.
Xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare ayaa la filayaa inay ka doodaan hindisahan oo ay si wayn uga soo horjeesteen siyaasiyiinta mucaaradka.
Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa dowladda talada haysa ku eedeyay inay kenyaanka saareyso culeysyo dheeraad ah.
Hasa ahaate madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhankiisa sheegaya in hindisaha ay qayb ka yihiin soo jeedinno dhowr ah oo uu dalka ka soo galaya dhaqaale dheeraad ah si loogu guulaysto dhaqangelinta qorshayaasha horumarineed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in canshuur dheeraad ah la saaraya kalluunka , shamiitada ,biraha iyo alwaaxyaha laga sameeyo kuraasta ee laga keeno dibadda si waxyaabahan loogu soo saaro gudaha wadanka.Waxyaabaha ku xusan hindisaha ee muranka dhaliyay ayaa ah in qofka shaqeeya iyo shirkadda uu u shaqeeya laga jaro boqolkiiba min saddex ee mushaarka si lacagtan loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in mashruuca guriyeynta uu shaqooyin u abuuri doono dhallinyaro badan oo shaqo la’aan ah.
Hoggaamiyaha dalka oo siyaasiyiinta ka codsaday inay miidoobaan oo ayna ka wantoobaan siyaasadda kala qaybinta ku saleysan, ayaa dhanka kale senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah oo wacad ku maray inuu maxkamadda geynaya dacwad ka dhan ah hindise maaliyadeedka 2023-ka ka codsado inuu arrinkaasi ka laabto maadaama uu u daneynaya kenyaanka!
This Post Has 0 Comments