By isxaaq RashidMaamulka Soomaaliland ayaa sheegay inay Ciidamadooda gacanta ku dhigeen Afar rag basaasiin ah…

Madaxweynaha kenya oo shegay in kenya Ay ku tala jirto in sanadka 2040-ka Ay sare u qaado wax soo sarka korantada
By Ayanle Dhiire
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ugu baaqay waddamada horumaray inay hirgeliyaan heshiisyada maalgelinta ee mashaariicda isbeddelka cimillada.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Kenya ay ku tala jirto in sanadka 2040-ka ay sare u qaaddo awoodda wax soo saarka korontada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in wadarta guud ee wax soo saarka awoodda korontada oo hadda ah 3, la gaarsiin doona sanadka 2040-ka ilaa 100 gigawatt.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka ayaa hadalkan ka sheegay xarunta shirarka caalamiga KICC ee magaalada Nairobi uu ka furmay shirka looga arrinsanaya saameynta isbeddelka cimillada ee qaaradda Afrika .
Waxaa uu sheegay in qaaradda Afrika ay hodan ku tahay macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah.
Madaxweyanaha ayaa xusay in Afrika ay awood u leedahay in ay daboosho dhammaan baahiyaha tamarta iyadoo la adeegsanayo kheyraad dib loo cusboonaysiin karo.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka ayaa ku boorriyay wufuudda ka qayb galaysa shirka in ay ka faa’ideystaan fursadda dhaqaale ee Afrika, gaar ahaan marka la eego macdanta oo muhiimad u leh qaaradda.
This Post Has 0 Comments