By isxaaq Waxaa magaalada muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka madaxda dowladda dhaxe iyo maamulada…

Madaxweynaha Kenya oo wadahadal layeshay dhigisa uganda
By Ayanle Dhiire
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa la kulmay oo wada hadal la yeeshay dhigiisa wadanka Uganda Yoweri Kaguta Museveni.
Labada mas’uul ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka dibloomaasiyadeed ee ka dhexeya waddamadooda.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in dhigiisa Uganda Yoweri Museveni ay wada hadalkooda diiradda ku saareen sare u qaadidda ganacsiga, beeraha iyo xoojinta amniga.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya wadanka ayaa intaasi ku daray in Kenya iyo Uganda ay leeyihiin iskaashi adag oo soo jiray tobanaan sano kaas oo ku soo saleysan walaaltinimo.
Kulanka labada mas’uul ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay madaxtooyada Entebbe ee caasimadda Kampala ee dalka Uganda.
Booqashada William Ruto ee dalka Uganda ayaa ku soo beegantay toddobaad un ka dib markii hoggaamiyaha wadankaasi Yoweri Museveni uu la kulmay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.
This Post Has 0 Comments