skip to Main Content

Madaxweynaha Mareykanka oo ka hadlay dilka ismaciil haniya

By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in dilka hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniyeh “aysan gacan ka geysaneyn” wada-hadallada xabbad-joojinta ee Qasa.

Haniyeh ayaa la dilay xilli uu Arbacadii booqasho ku joogay caasimadda Iiraan ee Tehran. Iiraan iyo xulafadeeda ayaa ku eedeeyay Israa’iil, inkastoo Israa’iil aysan weli ka hadlin geeridiisa.

Haniyeh wuxuu ahaa sarkaalka ugu sarreeya Xamaas wuxuuna aad ugu lug lahaa wada hadallada xabbad-joojinta iyo sii deynta maxaabiista isagoo ku sugnaa saldhiggiisa Qadar.

Mr Biden ayaa sheegay inuu “aad uga walaacsan yahay” xiisadda kasii kordheysa Bariga Dhexe. “Waxaan heysannaa aasaaska xabbad-joojinta. Isaga [raysal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu] waa inay u dhaqaaqaan iyagana [Xamaas] waa inay hadda u dhaqaaqaan.”

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top