skip to Main Content

Madaxweynaha oo ku baaqay xoojinta falcelinta ka dhanka ah abaarta

By abdinajib abdullahi

Nairobi(Boundless media)-Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa ku baaqay in sare loo qaado dadaallada gurmadka ee looga falcelinaya saameynta baahsan ee ka dhalatay abaarta.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in falcelintu ay noqoto mid degdeg ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xaaladaha nololeed ee ay dadweynaha wajahayaan ay yihiin kuwo sii xumaanaya.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in sare loo qaadi doono gargaarka cunno , bixinta lacago caddaan ah, adeegyada caafimaadka iyo barnaamijyada nafaqada.
Waxaa uu sidoo kale soo hadal qaaday biyo dhaamin joogto ah , quudinta xoolaha , barnaamijka cunnada ee dugsiyada ,nabadgalyada iyo dadaallada amni.
Ruto ayaa hadalkan ka jeediyay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi xilli la soo bandhigayay warbixin ku saabsan qiimeynta roobabka.
Waxaa kulanka ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, wasiirrada , dibloomaasiyiin, mas’uuliyiinta shirkadaha gaarka ah iyo xubnaha guddiga qaran ee isku dubaridaya falcelinta ka dhanka ah saameynta abaarta.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa laga soo xigtay in 6 bilyan oo shilin lagu qoondeeyay miisaaniyad dheeraad ah si lacagtan inta u dhexeysa bishan labaad ilaa bisha shanaad ee sanadkan loogu adeegsado howlaha gurmadka.
Guddiga qaran ee ka falcelinta abaarta ayaa sheegay in ilaa iyo hadda uu uruuriyay 650 milyan oo shilin.
Madaxweynaha ayaa kulanka ka sheegay in loo baahan yahay ugu yaraan 15.35 bilyan oo dheeraad ah si loogu qarash geliyo badbaadinta nolosha dadweynaha.
Waxaa uu saaxiibbada heer caalami ee Kenya , waaxyaha gaarka ah iyo samafalayaasha ugu baaqay inay buuxiyaan gaabadka dhaqaale ee jiro si u adkeysiga saameynta abaarta uu u noqdo mid muddo dheer socdo.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay inay ka go’an tahay in la iskula xisaabtamo sida loo adeegsaday shilin kasta oo loogu talagalay gargaarka baniaadannimo.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka , Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa sheegay in mustaqbalka looga baaqsado saameynta abaarta ee hadda jirta oo kale in xoogga la saari doono tallaabooyin ay ka mid tahay waraabinta beeraha iyo ilaalinta deegaanka si looga soo kabsado waxyeellada isbeddelka cimillada.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top