skip to Main Content

Madaxweynaha Ruwanda oo sheegay in markii afaraad uu u tartamayo madaxtinimada dalkaas

By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Rwanda oo shaaciyey inuu markii Afaraad tartami doono, iskana laalay eedeymaha Reer Galbeedka
Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Murashax ka qeyb geli doono Doorashada Madaxtinimada ee la qaban doono sanadka soo socda ee 2024-ka.
Madaxweynaha 65-jirka ah waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu shalay siiyey Warbaahinta Toddobaadlaha ee Jeune Afrique oo Xarunteeda Dhexe ku taallo Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.
Mar wax laga weydiiyey Aragtida dalalka Reer Galbeedka ku naqdinayaan Isbedelka Dastuurka dalka Rwanda ee Xil-haynta Madaxweynaha iyo Xilli-kordhinta Xukunkiisa, waxa uu si kulul u yiri: “Waxa ay Reer Galbeedka ka fekerayaan ma aha Dhibaatadayda”.
Madaxweyne Paul Kagame waxa uu Xilkaasi hayey tan iyo sanadkii 2000, iyadoo dib loo doortay Doorashadii Madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday sanadkii 2017-kii, isagoo Cod-bixintaasi ka helay in ka badan 98%.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top