Skip to content

Madaxweyne kuxigenka kenya oo wadahadalada mucaradka iyo dawlada kutilmamay Wakhti lumis

By Ayanle Dhiire 

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in wada hadallada u socda isbeheysiga mucaaradka Azimio La Umoja-One Kenya iyo maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza uu yahay mid aan qiimo weyn ku fadhin.
Waxaa uu caddeeyay in wax natiijo ah aysan ka soo bixin doonin wada xaajoodyada u socda labada dhinac.
Gachagua ayaa sheegay in wada hadallada ay yihiin kuwa ay mucaaradka wakhti uga luminayaan Kenyaanka.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa soo hadal qaaday kulankii magaalada Mombasa ay ku yeesheen hoggaamiyaha Azimio Raila Odinga iyo madaxweynaha wadanka William Ruto.
Waxaa uu tilmaamay in kulaankaasi uu ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka soo bandhigay danihiisa gaarka ah.
Gachagua ayaa ku andacooday, in Mr. Odinga uu codsaday awood qaybsi iyo is-gacanqaad la xiriira heshiis siyaasadeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in hoggaamiyaha Azimio uu sidoo kale codsaday saddex jago oo safiirnimo ah, inkastoo dalabaadkaasi uu madaxweynaha ka diiday.
Mr. Gachagua ayaa sheegay in kaliya Raila lagala xoojan karo inuu ka fadhiisto saaxadda siyaasadeed.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top