skip to Main Content

Madaxweyne Ruto: Nidaamka cadaaladda dembiyada looma adeegsan doono arrimo siyaasadeed

By Abdinajib Abdullahi

Kenya(BoundlessMEdia)
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay taageeri doonto nidaamka cadaaladda ee lagu maareeyo dembiyada.
Waxaa uu Ruto cadeeyay in dowladda aysan sinnaba u faragelin doonin howlaha nidaamka cadaaladda dembiyada.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa ballanqaaday in hannaanka garsoorka aan loo isticmaali doonin arrimo siyasadeed.
Waxaa uu sheegay in muwaadin kasta iyadoo loo eegin xisbigiisa siyaasadeed uu xaq u leeyahay in dhammaan hay’adaha dowliga ah ay si cadaalad ah ula dhaqmaan taasi oo uu ku tilmaamay waxaa ugu hooseeya ee uu qof muwaadin ah ka filan karo maamulkiisa.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Mombasa oo uu shalay si rasmi ah uga furay shirka sanadlaha ah ee 16-aad ee ururka dacwad oogayaasha Afrika (APA).
Ruto ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay awoodda Afrika ay u leedahay inay ogaato oo ay ka hortagto dambiyada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in adeegsiga tiknoolojiyadda ay fure u noqon doonto ciribtirka dembiyada qaranka iyo kuwa caalamiga ah.
William Ruto ayaa sidoo kale xusay in sanadka 2050-ka, afar meelood meel ka mid ah dadka adduunka ay ku noolaan doonaan qaaradda Afrika sidaasi darteed loo baahan yahay in hagaajiyo siyaasadaha, dowladnimada iyo dhaqaalaha.
Shirkan oo ay isugu imaanayaan in ka badan 300 oo ergo oo ka kala socda 40 dal oo Afrikaan ah ayay xeer-ilaaliyeyaashu ku lafa-guurayaan habka ugu wanaagsan ee wax looga qaban karo dambiyada abaabulan ee ka dhaca Afrika.
Dhankiisa madaxa wasiirrada dalka ,Musalia Mudavadi oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in sarreynta sharciga ay muhiim u tahay in waddan uu si hufan u shaqeeyo.
Waxaa uu sidoo kale taarikh ku tilmaamay in Kenya ay martigelineyso markii ugu horreysay shirka sanadlaha ah ee 16-aad ee ururka dacwad-oogayaasha Afrika (APA).

xaquuqda weydhowrantahay BoundlessMEdia

Back To Top