By isxaaq Rashid Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya , Xasan Macallim Maxamuud oo…

Madaxweyne Ruto oo Kenyanka u sheegay in deeganada Dalka si siman loo hormarin Donoo!
By Ayanle Dhiire (Boundless Media)
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta gaaray ismaamulka Kakamega ee Galbeedka dalka.
Waxaa uu kaniisad ku taalla deegaan baarlamaneedka Lurambi ka sheegay inuu diyaar u yahay la shaqeynta dhammaan madaxda la soo doortay .
William Ruto ayaa dhanka kale shacabka Kakamega iyo si guud kenyaanka u xaqiijiyay in deegaannada dalka si siman loo horumarin doono.Waxaa madaxweynaha wehelinaya madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi , guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula , Xoghayaha Guud ee xisbiga UDA ,Cleophas Malala
iyo siyaasiyiin kale.
Socdaalka William Ruto ayaa imaanaya iyadoo ay madaxdu ku kala qaybsan yihiin hindise maaliyadeedka sanadkan ee Finance Bill 2023.
Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa dhankiisa kenyaanka ku boorriyay inay taageeraan qorshaha guriyeynta ee dowladda dhexe si meesha looga saaro xaafadaha isku raranta ah.Barasaabka Kakamega Fernandes Barasa ayaa dhankiisa sheegay in guddoomiyaasha ismaamullada ay si buuxda madaxweynaha dalka ugu taageerayaan qorshihiisa maaliyadeed ee ay ka midka tahay uruurinta canshuuro dheeraad ah isagoo dowladda dhexe uga mahadceliyay lacago ay dhawaan ku wareejisay dowlad deegaannada!
This Post Has 0 Comments