skip to Main Content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo berri booqasho ku tegaya BAYDHABA + Ujeedka

By Abdinajib Abdullahi

Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu bilaabo safaro kala duwan oo uu kala bixinayo qaar ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Sida ay ogaatay Boudless media Madaxweyne Xasan ayaa berri booqashadiisii ugu horreysay ku tegaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia.

Waxaa maanta magaalada Baydhaba gaaray wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Xuseen Shekh Maxamuud oo ay wefdigiisa qeyb ay ka ahayeen Xildhibaano iyo Saraakiil ka socday Madaxtooyada Qaranka.

Wafdigaan maanta gaaray Baydhaba ayaa hordhac u ah booqashada uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado inuu berri ku tago Baydhaba.

Madaxweyne Xasan iyo lafta-gareen ayaa la sheegay inay diiradda saari doonaan isbedalka ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweynaha ee la qabtay 15-kii May, taas oo uu ku guuleystay Xasan Sheekh, waxaana Lafta Gareen uu ka mid ahaa taageerayaashii Madaxweynihii hore dalka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in kulanka lagu soo qaadi doono wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aadan dhismaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Lafta Gareen uu Madaxweynaha cusub la wadaago xaaladda siyaasadeed ee uu wajahayo maamulkiisa iyo abaabulka ka socda magaalada Muqdisho.

Safarka Baydhabo, kadib Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa tegi doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Ujeedka ayaa ah sidii uu Madaxweynaja u qaboojin lahaa xiisada & kala aragti duwanaanta maamullada qaar, gaar ahaan kuwii taabacsanaa Madaxweynihii laga adkaaday, Farmaajo.

Si kastaba, Madaxweynaha cusub ayaa ku howlan dhismaha dowladdiisa, wuxuuna horey u ballan qaaday in uusan jiri doonin aargoosi lagu beegsanayo kuwa ka fikirka duwan.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top