Skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir looga hadlayay amniga iyo dhaqalaha dalalka Africa

By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika oo ay marti-gelisay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni.

Shirkan oo ay ku kulmeen dalalka Soomaaliya, Talyaaniga, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagaga arrinsanayey Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso sidii ay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah ugu heli lahayd wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in shirkaas uu Maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyo, taas oo uu kaga hadi doono dhibatooynka kajira dalka, sida Amniga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu  kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda ka qeyb galeysa Shirka, isaga oo kala hadli doono arrimo dhowr ah oo ku saabsan dalka Soomaaliya.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top