Skip to content

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada degmada maxaas iyo war ka soo baxay

By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo degmada Maxaas kulamo kula qaatay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ayaa isku afgartay in loo midoobo dagaalka dagaalka ka dhanka ah AS

Madaxweynaha oo bulshada gobolka Hiiraan ku bogaadiyay doorkooda wanaagsan ee la dagaalanka AS   ayaa tilmaamay in Soomaaliya leedahay hal cadow oo caqabad ku ah jiritaanka iyo horumarinta dalka, loona baahanyahay in laga gudbo kala aragti-duwanaashaha wiiqaya midnimada ummadda si guulo macno leh looga gaaro halganka dib u xoreynta dalka.

Dhankooda, siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Madaxweynaha la kulmay ayaa soo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo ku aaddan dagaalka  AS  iyaga oo ballan qaaday in ay qaadan doonaan doorkooda halganka dalka looga saarayo AS

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top