Skip to content

Madaxweyne Xasan sheikh oo furaya kala fadhiga Baarlamanka xili buuq siyaasaded tagan yahay

Waxaa maanta si rasmi ah u furmaya kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo horyaalla ajandayaal culus oo la xiriira xaaladda siyaasadeed, ammaanka iyo shuruucda dhismaha dowladnimada.

Kalfadhigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka uu ka jiro buuq siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, taas oo dhalisay in dhowr jeer dib loo dhigo furitaankiisa.

Waxaa sidoo kale jira cabsi laga qabo in kulanka maanta uu hareeyo sawaxan iyo diidmo siyaasadeed, maadaama ay jiraan xildhibaano mucaarad ah oo si weyn uga careysan hannaanka siyaasadeed ee socda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u furaya kalfadhigan isaga oo jeedin doona khudbadda dastuuriga ah.

Khudbaddaas ayaa lagu wadaa inay diiradda saarto waxqabadka dowladda, qorshayaasha horyaalla Baarlamaanka inta uu socdo kalfadhigu, iyo marxaladda adag ee uu dalku marayo.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu iftiimiyo guulaha dowladda ay sheegtay inay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dib-u-habeynta maaliyadda, iyo xiriirka caalamiga ah, halka Baarlamaanka laga sugayo inuu xoogga saaro mooshinnada iyo sharciyada mudnaanta u leh bulshada.

Furitaanka kalfadhigan 7-aad ayaa si gaar ah muhiim ugu ah xaaladda siyaasadeed ee dalka, maadaama mowjado siyaasadeed oo cusub ay soo kacayaan iyo mooshino horay loo gudbiyay ay wali miiska saaran yihiin.

Back To Top