Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Madaxweyne Xasan sheikh oo madaxda mareykanka kala hadlay xoojinta dagaalka AS
By isxaaq Rashid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalla Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington,ku simaha Xoghayaha Difaaca dalkaas Marwo Victoria Nuland ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallankaAlshabaab , kor u qaadista taageerada Mareykanka ee dib u habaynta hay’adaha amniga Soomaaliya iyo ka jawaabidda xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhashay isbaddalka cimilada.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Gargaarka Maraykanka (USAID) Danjire Samantha Power ayaa la wadaagay saamaynta taaban ee ka dhalatay Roobka Dayrta ee sida xad dhaafka ah uga da’ay dalka, isaga oo muujiyay muhiimadda kordhinta taageerada dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ee arrimaha dowlad-dhiska, wax ka qabashada saamaynta isbaddalka cimmilada iyo horumarinta kaabayaasha nolosha bulshada.
This Post Has 0 Comments