Skip to content

Maine Warden Service waxay ku dhiiri galinayaan taxadar weyn ugu yaraan shan qof markay ku dhinteen biyaha

Ridwan Ali

Maine warden ayaa dadka gobalka Maine u sheegaya inay biyuhu wali qabowyihiin lakin hadii aad doon saarantahay jakada dabaasha xidho.

Maalintii arbacada Warden waxay shaaciyeen inay raadinayaan nin reer Oregon ah halkaas loo ma laynayo inuu ku dhintay wabiga Swan Lake ee magaalada Swanville ladhahay inuu yahay qofkii lixaad ee ku dhinta biyaha ilaa iyo maalintii Axada.

Waden waxay ka walwalsanyihiin madaamo biyo fadhiyeenka gobalka Maine ay wali qabow yihiin lakin dadku ay isagu soo baxeen kulayl jiray isbuucaan daraadeed halkaas oo la sheegay in dadka badankoodu ahaa dad an garanayn sida loo dabaasho.

Maalintii isniintii, Brandon Breton, 21 jir ah, iyo Joseph Mayo 19 jir ah ayaa ku dhintay iyaga oo la dabaalanaya asxaabtooda wabiga Messaloskee in Belgrade.

Talaadadiina Isha Ali, 13 jir ah ayaa ku dhimatay isbitaalka Maine Medical Center ee magaalada Portland kadib markii laga soo bad baadiyay wabiga Cherry Pond ee magaalada Greene halkaas ay la joogtay saxiibadeed iyo faamaligeeda.

Waxaa ladhahay taxadar aan muujino hana la’isilaaliyo ilaa inta biyaha ka kululanayaan halana dhidho jaakada dabaasha.

Back To Top