By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Maine waxay heli doontaa 128 milyan oo doolar taasoo kaalmo loosiindoo.
Waaxda hanti dhawrka Maraykanka ayaa u qoondaynaysa inkabadan 128 milyan, dadaalka
Maine loogu balaadhinayo adeega internet ka xafiiska Sen Angus king ayaa jimcihii sheegay.
“Qorshaha samata bixinta ee Maraykanka wuxuu Maine u keenaya inkabadan 128 milyan oo
maalgalin balaaran ah taasoo u abuuri doonta fursado cusub dadka kunool gobalka oo dhan
gaar ahaan miiga, ayuu yiri king.
Lacagtani waxay siwayn kor ugu qaadi doontaa isku xidhka Maine, oo hay’ad cusub oo gobalka
ah loo xilsaaray maaraynta iyo uqoondaynta lacagaha mashaariicda ee lagu balaadhinayo
gudaha iyo gobalada hadaba hay’adan waxa ay amaahan kartaa lacag, dhisan kartaa oy yeelan
kartaa kaabayaal sidokalena waxay uruurin kartaa xogta adeega internet ka oo ayku jiraan
xuquuqda iyo waajibaadka kale. heerarka shaqaalaynta iyo habka maamulka ayaa la dajin
doonaa bilaha soo socda marka ay horumaraan.
Dhaqaale yahano badan ayaa soodhaweeyay fikirka adeega balaadhinta inuu yahay aalad
lagama maarmaan u ah horumarinta dhaqaalaha khaasatan meelaha miyiga ah.
Connect Maine Authority oo ah hay’ad yaroo la aas aasay sanadii 2006 waligeed ma aysan
haysan lacago baaxad leh oo ay ku maalgaliso adeegyada loo baahanyahay si sibuuxda loogu
xidho bulshooyinka saboolka ah iyo kuwa miyigaba.
Agaasimaha Connect Maine Peggy Schaffer ayaa tilmaamay in lacagaha soo galaya ay yihiin
kuwo waxka badalaya guud ahaan gobalka ooku noolaa miisaaniyad gaadhaysa 1 milyan si
lookoobo mashaariicda balaadhan.
Wadku mahadsantahay shaqada adag eed soo qabatay Sen.King, Maine waxay awood uyeelan
doonta inay gaadho guulo la taaban karo oo wax ku ool ah siloosoo afjaro kala qaybsanaanta.
ayuu yiri Scheffer.
Scheffer waxa uu sheegay in maaliyadu u ogolaan doonto taageerayaasha in ay waxka
badalaan fikirkooda, qofkasta oo reer Maine ah waxa uu awood uyeelan doonaa inuu helo qayb
balaadhan oo tayo sare leh sadexda ilaa afarta sano ee soo socota.
This Post Has 0 Comments