Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Mareykan oo sheegtay in uu duqeyn ku dilay xuno Alshabaab ka tirsan
By isxaaq Rashiid Taliska ciidanka Mareykanka Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in sadax duqeyn oo is difaacid ah la beegaadeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Qoraalka kasoo baxay howlgalka Militariga AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay timid kadib codsi kaga yimid dowladda Soomaaliya.
Duqeynta ayaa AFRICOM waxay sheegtay iney ka dhacday nawaaxiga degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, kadib dagaal halkaasi ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Al-Shabaab saacadahii lasoo dhaafay.
Warka kasoo baxay howlgalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi lagu dilay 10 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana aysan jirin dad shacab ah oo wax ku noqday duqeymahaas.
Warkaan kasoo baxay howlgalka Militariga Mareykanka ee AFRICOM ayaa imaanaya, iyadoo Maanta dowladda Soomaaliya ay shaacisay in howlgal ka dhacay nawaaxiga degmada Afmadoow lagu dilay 40 ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.
This Post Has 0 Comments