Skip to content

Markab dagaal oo burburiyay Doomo Xuutiyiinta yemen ay leeyihin

By isxaaq Rashiid Ciidamada Badda Mareykanka ayaa burburiyay Doomaha yar yar ee Xuutiyiinta oo isku dayay in ay fuulaan Markab Konteenar ah oo marayay Badda Cas.

Afar doon oo ka yimid deegaanada Xuutiyiinta Yemen ay ka taliyaan ayaa rasaas ku furay markabka Maersk Hangzhou, waxayna soo gaareen meel mitir u jirta markabka, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

Diyaarado Helicopters ah oo ka yimid maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee u dhowaa ayaa ka jawaabay baaqa ay u soo dirsadeen dadki markabkaas saarnaa.

Saddex ka mid ah ayaa quusay “iyaga oo is difaacaya”. kooxdii saarneyd ayaa la dilay, waxaana meesha ka baxsatay doonidii afaraad.

Xuuthiyiinta ayaa tan iyo bishii November weeraro ku qaadayay maraakiibta ku sugan badda cas.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top