skip to Main Content

Marwada koowaad ee Maraykanka oo Kenya booqasho ku imaaneys

By abdinajib abdullahi

Nairobi(Boundless media)-Waxaa la filayaa in marwada koowaad ee dalka Maraykanka Dr. Jill Biden ay booqasho Kenya ku timaado.
Dr.Jill Biden ayaa toddobaadkan laga billaabo maanta ilaa maalinka Axadda ee 26-ka bishan booqan doonto waddamada Namibia iyo Kenya.
Waa safarkeedi ugu horreeyay tan iyo markii ay noqotay marwada koowaad ee dalka Maraykanka ee ku imaanayso Kenya iyo dalal kale oo ku yaalla qaaradda Afrika.
Tan ayaa muujineysa in Maraykanka uu doonayo inuu sii xoojiyo xiriirka kala dhexeyo dalalka ku yaalla qaaradda Afrika.
Marwada koowaad ee dalka Maraykanka ayaa marka ay Kenya timaado, waxay kulan la qaadan doonta dhigeeda wadankani Kenya Rachel Ruto.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden uu ballanqaaday inuu xoojin doono xiriirka uu la leeyahay waddamada qaaradda Afrika.
Magaalada Washington ayaa waxaa ka dhacay shir u dhexeyay Maraykanka iyo Afrika, iyadoo madaxweynaha wadanka Maraykanka uu ballanqaadyo badan u sameeyay madaxdii Afrikaanka ahaa ee shirkaasi ka qayb galay.

xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top