Skip to content

Maxaa looga hadlay kulanka maanta ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya?

By isxaaq Rashiid Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen.

Shuruucdan oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada; iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa muhiimad gaar ah u leh xujeyda iyo daryeelka bukaanka Soomaaliyeed.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa ugu dambeyntii bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka Qaranka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee iskaashanaya ay ka gaarayaan dagaalka lagula jiro AS

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top