Skip to content

Maxaa looga hadlay kulanka RW Xamza iyo madaxa ATMIS?

by Abdinajib Abdullahi

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Souef ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay arrimaha amniga, dadaallada dib-u-xoreynta, xasillinta iyo doorka ATMIS ee dagaalka lagu cirib-tirayo kooxaha Argagaxisada.

Madaxa ATMIS, Souef Mohamed El-Amine ayaa intii uu kulanku socday wuxuu dowladda ugu hambalyeeyay guulaha la taaban karo ee ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay kasoo hooyeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, gaar ahaan guushii ugu dambeysay ee argagaxisada looga xorreeyay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Danjire Souef ayaa ballan-qaaday in ATMIS ay dowladda federaalka Soomaaliya kala shaqeyneyso dagaalka lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada iyo dadaallada xukuumadda ee amniga iyo xasilloonida looga hir-gelinayo dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu ciidanka Midowga Afrika uga mahad-celiyay doorkooda dhismaha nabad-gelyada dalkeena.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top