Skip to content

Maxaa looga hadlay shirka khamiislaha ah ee golaha wasiirada ?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay amniga guud ee dalka iyo howlgallada dalka looga saarayo AS oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanku ay ka gaareen guulo.

 

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howgala dalkeenna iyo caqabadaha hortaaggan si xal loogu helo, iyada oo la ilaalinayo badqabka shacabka iyo fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda.

 

Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale u dallacsiiyey darajada Safiir, Mudane Axmed Jaamac Cumar, iyada oo la tixgalinayo Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa.

Back To Top