skip to Main Content

Maxaa ugu dambeeyay duullaanka Ruushka ee Ukraine

By Abdinajib Abdullahi

Waxaa la filayaa inay maanta dib u furmaan wada hadallada u dhexeya saraakiisha dowladaha Ruushka iyo Ukraine.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Ukraine Iryna Vereshchuk waxay sheegtay in shalay ugu yaraan 4,000 qof laga daadgureeyay magaalooyinka wadankaasi.
Waxay dhanka kale ciidamada Ruushka ku eedeysay inay magaalada Kyiv rasaas kula beegsadeen dad rayid ah.
Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa laga soo xigtay inuu codsaday oggolaansho uu muddo 30 cisho ah ku kordhinaya adeegsiga awoodda militari maadaama muddada uu haysto ay ku egtahay 24-ka bishan.
Dhanka kale dowladda Maraykanka ayaa Shiinaha uga digtay inuu Ruushka garab ku siiyo dagaalka Ukraine.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top