skip to Main Content

Maxay salka ku heysaa xiisadda siyaasadeed ee ka qaraxday Koonfur Galbeed?

By Abdinajib Abdullahi

Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa haatan wajahaya mowjado siyaasadeed oo cusub, kuwaas oo kusoo aaday, kadib doorashooyinkii soo dhammaaday.

Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa ka kala socda kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeedo, kuwaas oo ay wadaan siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa soo baxay guux ku aadan mooshin ka dhan ah Lafta Gareen, kaas oo haatan abaabulkiisa uu ka socdo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

Haddaba maxay salka ku hesayaa xisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed?

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, Marwo Xaniifo Xabsade oo ka mid ah siyaayiinta ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa qoraal ay soo saartay ku bidhaamisay, sida ay wax u jiraan iyo waxa la’isku hayo labada dhinac.

“Gudoomiyahiisa Gobalka Bay, gudoomiyaha Baarlamanka ,teliyaha ciidamada qaybta lixdimaad qofkii xildhibaano kasoo wada dhigay maa maamulka duminaayo ? Mise dadka dhahooyo December waa in doorasho dhacadaa  ayaa maamulka duminaayo?” ayey tiri.

Xaniifo oo hadalkeeda sii wadata ayaa ugu baaqday Madaxweyne Lafta Gareen inuu wax ka barto muddo kororsigii horey u fashilmay ee Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed  Farmaajo, waxayna intaa ku dartay in muddo kororsi uusan xilligan ka shaqeynin Somalia.

“Waxaa ila haboon Madaxwayne Laftagareen in uu cashar kabarto mudo korarsigii Baarlamanka 10aad sameeyey halka uu kudambeeyey !! . Hadii mudo korarsi Somalia kashaqaynayso taas ayaa shaqayn lahayd ,waqti badan haiska gelin doorasho u diyaar garoow tartan taas bes ah ayaa xal kujiraaa” ayey qoraalka sii raacisay wasiirka Haweenka.

Ugu dambeyn waxa ay jawab kulul ka bixisay shirkii jara’iid ee uu maamulku ku qabtay magaalada Baydhabo, kaas oo ay ka hadleen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo uu ku jiro Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo weeraray garabka ka soo horjeeda Lafta Gareen.

“Waxba masoo kordhinayso shir jaraaid iyo booto ,Somalia qori waa lugu kala adkaan waayey adeerkey General Mahad Intaas wuu ogyahay ,doorasho bes ayaa lugu kala adkaan karaa wadadaas hauhogaansamo adeerkay madaxwayne laftagareen wixii kasoo haro waa iska fowdo,”.

Si kastaba, arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan Soomalaiya uu ka dhacay isbedal siyaasadeed, kadib doorashadii uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh.

xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media

Back To Top