By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Abshir (Qaanqaa) ayaa sheegay sababaha dalkooda loogu celinayo…
Maxay tahay dacwadda laga gudbiyay Xildhibaan Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland?
By isxaaq Rashiid Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Somaliland ayaa Golaha Wakiillada ka dalbaday in ay xasaanadda ka qaadaan xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland.
Xeer ilaalinta ayaa Xildhibaanka u heysata eedaymo ay ku jirto in masuuliyiinta ka Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti uu la kulmay iyo in arrimaha ciidamada Somaliland uu ka hadlay.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiillada Somaliland Cali Xaamud Jibriil, ayaa xaqiijiyey inay soo gaartay warqadda xeer ilaalinta uga timid ee lagu dalbaday in xasaanadda laga xayuubiyo Xildhibaankaas, si loo maxkamadeeyo.
Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa tagay dalka Jabuuti dabayaaqadii bishii May, wuxuuna safarkaas xaqiijiyey maalmo ka hor mar uu warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in Jabuuti uu Passapor ka soo qaatay.
Intii uu Jabuuti ku sugnaa xildhibaan Abiib wuxuu bartiisa Facebook ku baahiyey sawir isaga iyo wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Dawaleh ay galeen, isagoo soo raaciyey qoraal u dhignaa “Waxaan Wasirka ka wada hadalnay halka ay marayso hawsha jid isku xidhi doona Somaliland iyo Djibouti. Imikana wuxuu ii sheegay inuu ku hawlan yahay dardargalinta bilawga jidka labada dal isku xidhiidhi doona.”
This Post Has 0 Comments