Skip to content

Maxkamadda ciidamada oo maanta xukun dil toogosha ah ku ridday rag uu ku jiro Taliye ciidan”

By isxaaq Rashiid Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida  ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay Labaatan iyo Labadii bishii February ee sanadkaan 2024.
Kooxdaan oo kooban Lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku wehliyey kiiskaan, Dable Bol. Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo ah Maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan Lixdii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday.
Maxkamadda sare ee Ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen xukunsaneyaasha Tobankii bishaan, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.
1- Ex dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo 2- Ex Dable Bol. Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ayey Maxkamadda sare ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax.
3- Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, halka 4- Maxamed Cadaawe Cali, 5- Yaasiin Cabdi Jaamac iyo 6- Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay Maxkamadda sare ku xukuntay min Todobo sano oo Xabsi ciidan ah.
Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top