skip to Main Content

Maxkamadda Garissa oo min 20 sano ku xukuntay 3 qof oo gudbinayay daroogada nooca Xashiishka

By Abdinajib Maxkamadda hoose ee ismaamulka Garissa ayaa 3 qof ku xukuntay min 20 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay dembi ah inay kala gudbinayeen nooca daroogada Xashiishka gaar ahaan midda loo yaqaano Marijuana Cannabis Sativa kaasoo culeyskiisu yahay 446 kiilogaraam.
Waxaa saddexda qof lagu kala magacabaa Julius Nkolong Enkare, Adam Gituma Mugambi iyo Maxamad Jelly Aadan, ayaa sidoo kale lagu ganaaxay lacag oo dhan 40.1 milyan oo shilin ama sanad dheeraad ah ay xabsiga kusii jiri doonaan.
Xukunka maxkamadda hoose Garissa ay ku riday raggan, xilli laba ka mid shakhsiyaadkan ay maxkamadda ka maqnaayeen ka dib markii horaan damiin lacageed lagu sii daayay.
Waaxda dacwad soo oogista dalka ayaa barteeda Twitter-ka ku xaqiijisay inuu xukunkan uu shalay soo saaray garsoorhaa maxkamadda hoose Garissa Cosmas Maundu.
Labada eedeysane oo maxkamadda ka maqnaa ayaa haysta warqado lagu soo xirayo, waxaana xukunkooda xabsiga uu billaabanaya marka la soo xiro.
Daroogada Xashiishka ee nooca Marijuana Cannabis Sativa ayaa Kenya sharci darro ka ah, xitaa iyadoo guddiga qaramada midoobay u qaabilsan maandooriyaha uu ka saaray liiska daroogooyinka ugu halista badan sanadkii 2020-kii.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top