Skip to content

Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo Maanta billaabeysa dhageysiga kiiska mas’uuliyiin loo heysto musuq maasuq

by isxaaq Rashiid Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa Goordhow billaabeysa dhageysiga kiiska dacwadda musuq maasuq ee loo heystay Mas’uuliyiin katirsan, Wasaaradda Shaqaada & Arrimaha Bulshada, Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Mas’uliyiintaan ayaa waxaa horay xukun kala duwan ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir, hayeeshee Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaadatay, waxaana ay isugu jiraan kuwo dalka ku sugan iyo kuwo ku maqan dalka dibaddiisa.

Mas’uuliyiinta Maxkamadda Racfaanka ay kiiskooda dhageysan doonto oo horay xukunka loogu riday oo gaaraya 11 mudane ayaa waxaa Magacyadooda iyo xukunada horay loogu riday ay kala yihiin.

1- Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ahaa agaasimhii waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu xukumay 1 sano oo xabsi ah.

2- Cumar Macallin Nuur, agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa isna lagu xukumay 1 sanno oo xarig ah.

3- Saabir Xasan Cabdinuur, madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka ayaa lagu xukumay saddex sanno iyo lix bilood oo xarig ah

4- Aadan Maxamed Cabdi, maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu waayay dhammaan eedeymihii loo soo jeediyay, waxayna maxkamaddu dib ugu celisay xoriyadiisa.

5- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim oo ah maqane, ahaana madax qaybeedka ruqsad siinta ajaaniibta waaxda sharciga ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu xukumay wadar ciqaabeed dhan 9 sanno oo xarig ah, sidoo kale waxaa laga joojiyay qabashada xafiis dowladeed si joogta ah

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top