skip to Main Content

Maxuu madaxweyne Xasan sheikh kala hadlay bulshada Rayidka

by isxaaq Rashiid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan xaqiijinta hiigsiyada dalka ayaa kulamo la qaatay dhallinyarada, aqoonyahanka iyo hormuudka bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu uga warbixiyey dhallinyarada iyo aqoonyahanka uu la kulmay arrimaha uu muudnaanta siinayo, kuwaas oo ay ugu horreyso xoojinta fursadaha shaqada, kobcinta dakhliga, yareeynta saboolnimada, ciribtirka AS ‘dhammeystirka dastuurka iyo xaqiijinta hiigsiga Soomaali heshiis ah, isagoo ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay difaaca dalka iyo xoojinta dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u dul istaagay fursadaha ugu jira dhallinyarada Soomaaliyeed ka mid noqoshada Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxa uuna ka rajeeyey in ay si mug leh uga dhex muuqan doonaan Dalladan, maadaama dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin hal-abuur, firfircooni iyo adkaysi.

Dhankooda, Dhalinyarada uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay aragtida ay ka qabaan arrimaha qaran ee uu la wadaagay Madaxweynaha , iyagoo xusay ahmiyadda ay u leedahay dalka in la dhammeystiro dastuurka, xoreynta deegaannada, qaadista cunaqabateynta hubka, deyn cafinta iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii la doortay wuxuu waday kulamo kala duwan oo uu la qaadanayay mas’uuliyiinta kale ee katirsan dowladda, hay’adaha Caalamiga ah iyo madaxda dalalka taageera Soomaaliya, balse aan weli la gaarin wax natiijo ah.D

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top