skip to Main Content

MD Farmaajo iyo madax kale oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis)

by abdinajib abdullahi
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ku dhintay Muqdisho.
Waxaa uu marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.
Dhanka kale wasiirka warfaafinta XFS Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariiste Cabdi muriidi Dheerre Ajakis oo ka mid ah bahda fanka iyo warbaahinta Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa uga tacsiyeeyay qoyskii iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ajakis waxaana marxuumka uu Alle uga baryay in jannadii farowdsa aheyd rabbi ka waraabiyo.
Cabdi Muriidi Dheere Ajakis ayaa ku soo caan baxay jilista riwaayadaha iyo turjumida Filimada hindiga, waxaana tan iyo burburkii uu kamid ahaa majaajiliistayaasha ugu caansan ee ka howlgalla Soomaaliya.

xaquuqda weydhowrsantahay:Boudless media

Back To Top