skip to Main Content

Midowga Afrika oo soo magacaabay haweeney bedaleysa mas’uulkii ay ceyrisay DF

By Abdinajib Abdullahi

Ururka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya u soo magacaabay haweeney beddaleysa Simon Malungo oo ay horey dalka uga ceyrisay dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Guddiga Midowga Afrika ayaa Ms. Fiona Lortan usoo magacaabay inay noqoto ku xigeenka cusub ee ergayga gaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya & ku xigeenka madaxa ergada.

Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyey in Marwo Fiona Lortan ay door muhiim ah ka qaadan doonto marxalada kala guurka ah, gaar ahaan sidii ay Somalia ula wareegi laheyd amniga.

Fiona Lortan ayaa muddo sanado ah ka tirsaneyd guddiga Midowga Afrika, waxayna toos ugu biirtay bishii May ee sanadkii 2002-dii, ayada oo qabatay shaqooyin kala duwan.

Midowga Afrika ayaa dhanka kale xusay inay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xasilloon, isla-markaana amaan ah.

Haweeneydan loo soo magacaabay inay ka shaqeyso Soomaaliya ayaa beddaleyso ku xigeenkii hore ee ergeyga Midowga Afrika, Simon Malungo oo ay dowladda federaalka ah dalka saartay, kadib markii lagu eedeeyey inuu dambiyo waa weyn ka geystay Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo bishii November ee sanadkii hore soo saartay qoraal xasaasi ah ayaa ku war-gelisay Guddiga Midowga Afrika in Simon Mulongo laga dhigay ‘Persona non grata’ (Qof aan dalka laga rabin), kadibna ka ceyrisay gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda ayaa xilligaas shaacisay inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga.

 

Xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media
Back To Top