skip to Main Content

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray go’aankii lagu baajiyey banaan-baxa

By Abdinajib Abdullahi

Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa ka jawaabay go’aankii dib loogu dhigay dibad-bax looga soo horjeeday isku daygii afgambi ee 27-ka December oo maanta ka dhici lahaa Muqdisho.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, oo ah Ugaaska beelaha Mudullood, ayaa shalay sheegay in la joojiyey banana-baxa kadib markii ay heshiis la gaareen Golaha Bulshada Banaadir oo qaban qaabinayey.

“Maanta waxaan u nimid wiilashii loo xil-saaray qaban qaabada banaan-baxa, waa la fariisanay waqti badan ayaan qaadanay, waxaan ku faaneynaa in soo jeedinteenii ay nala qaateen, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka reer koofurta, dhaqankooda ma maqlaan ayaa la dhihi jiray, laakiin maanta marqaati waxaan ka nahay in wiilasheena ay aad noo aqbaleen,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa qoraal ay soo saareen uga mahadceliyey Golaha Bulshada Banaadir (GBB) aqbalka codsigii kaga yimid Odayaasha Dhaqanka Muqdisho iyo Midowga Murashaxiinta ee ahaa in dib loo dhigo mudaaharaadkii uu Golaha Bulshada Banaadir qaban lahaa maanta oo ah Khamiis 13/01/22.

“Goluhu wuxuu cambaaraynaa hadalkii ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee fal danbiyeed ku tilmaamay mudaaharaadka, oo ah xaq dastuuri ah, sida uu dhigayo qodobka 20-aad ee dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Goluhu wuxuu adkeynayaa in mudaaharaadku yahay xaq dastuuri ah, shacabka Gobolka Banaadirna ay xilli kasta mudaaharaadi karaan.”

Dhinaca kale, Golaha ayaa uga mahadceliyey Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamad Xuseen Rooble in ay gudatay waajibkii kaga aaddanaa muddaaharaadka.

“Goluhu wuxuu mar kale ku adkaynayaa Xukuumadda in ay ilaaliso xuquuqda muwaadinka, xilna iska saarto furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda mudaaharaadka, kulammada, ololaha, safarka iyo in warbaahinta qaranka oo loo oggolaado Musharrixiinta.”

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

Back To Top