By isxaaq Rashiid Ra’iisul Wasaaraha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda…
Mills diiday ama celisay sharcigii lagu xidhayo xabsiga dhalinyarada ee Long Creek.
Gov. Janet Mills waxay diidday sharci u baahan inay waaxda asluubta ee Maine xirto Xarunta Horumarinta Dhalinyarada Long Creek ee Koonfurta Portland.
Fariinta diidmada qayaxan ee ay u dirtay sharci dajiyayaasha, Mills waxay ugu yeertay sharcigan “aasaasiyad cillad” maxaa yeelay wuxuu xiri doonaa xabsiga kaliya ee dhalinyarada ee Maine ka hor inta aan la helin goobo kale. Sharcigaan ayaa lagu wadan inuu hirgalo bisha lixaad 30-keeda sanadka 2023, wuxuuna u jiheyn lahaa ku dhowaad $ 19 milyan oo miisaaniyadda xarunta ah inay ku xirnaato “beddelaadyo ku saleysan bulshada.” halkaasna lagu caawin lahaa dhalinyarta inta loo diri lahaa xabsi.
Mills waxay ku dartay hadii arintaan sharci laga dhigo inay Gobalka Maine noqonayso gobalka kaliya oon lahayn xarunta horumarinta dhalinyarada halkaas ay dhalinyaradu u baahan yihiin meel edabta lagu baro madaamo looga baqayo amnigooda iyo ka dadweynaha sidaasna ay ku diiday inuu suurto galo sharcigaan.
Xidhitaanka Long Creek wuxuu mudnaanta koowaad u ahaa u-doodayaasha dib-u-habeynta caddaaladda carruurta sannado badan. Halka dad badan oo u doodayay sharcigaan ay sheegeen inay xaruntu tahay meel loogu tala galay in ciyaalka lagu tobobaro sidii ay ugu soo laaban lahaayeen halka laga rabay inay ka caawiyaan sida ay dhibaatada isaga ilaalin lahaayeen marka ay bulshada soo dhax galaan. Xarunta ayaa sidoo kale bartilmaameed lagu sameeyay markii dhowr dacwadood sanadihii la soo dhaafay oo ku saabsan si xun ula dhaqmida dhalinyarada halkaas ku xiran.
Sharcigan lagu xidhayo Long Creek wuxuu ka mid yahay toddobada ay Mills diidmada qayaxan ku diiday. Sharci-dajiyayaasha ayaa la filayaa inay ku noqdaan Augusta bisha Juun 30 si ay u suurto galiyaan sharciga lagu xirayo.