By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Minnesota: Laba jir Soomaali ah oo meydkeeda laga helay haro biyo ah
by abdinajib abdullahi
Waaxda booliska magaalada Edina ee gobolka Minnesota ayaa xaqiijisay in la helay meydka Ikhlas Cabdullahi Axmed oo aheyd laba jir ah, taas oo muddo 18 saacadood ah la raadiyay, kaddib markii qoyskeedu ay waayeen.
Meydka Ikhlas ayaa laga helay haro biyo oo u dhaw barxadda lagu ciyaarsiiyo carruurta ee Rosland Park oo markii ugu dambeysay ay la joogtay xubno ka tirsan reerkeeda.
Ciidamada booliska, dabdamiska iyo kooxaha gurmadka oo dhow magaalo ka kala yimid ayaa baaritaan dheer kaddib helay Ikhlas oo aheyd gabar yar oo la xanuunsaneyd cudurka Austism-ka
“Anigoo ku hadlaya magaca magaalada Edina, waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro qoyska gabadhan yar, musiibadan xoogga leh waxay saameysay qalbiyadenna” ayuu yiri taliyaha booliska magaalada Edina Tod Melbourne.
Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edina ayaa xalay iskugu yimid kulan baroordiid ah iyo duco ahaa.
Gobolka Minnesota oo ah gobolka ugu waraha badan Mareykanka ayaa ilaa hadda sanadkan waxaa biyaha ku geeriyooday 26 qof.
xaquuqda weydhowrantahay:Boudless media
This Post Has 0 Comments