By isxaaq Daadad ayaa ka soo rogmadey magaalada Muqdisho kadib markii roobab culus oo socday…

Mudavadi oo dhalilay go’aankii Maxkamada ee xeerka maliyada!
By Ayanle Dhiire
Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa maxkamadda sare ku dhaliilay amarkii ay ku hakisay dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan ee uu madaxweynaha wadanka William Ruto saxiixay 26-kii bishii hore.
Mudavadi ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Elgeyo Marakwet hoosta ka xarriiqay in waaxda garsoorka ee ay hoggaamiso Martha Koome aynan eegin danta guud.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in maxkamadaha ay yihiin kuwo madax bannaan sida ku qeexan dastuurka dalka hasa ahaate in xaakinnada laga doonaya inay qiimeeyaan danta guud marka ay go’aamo ka soo saarayaan arrimaha muhiimka ah.
Mudavadi ayaa intaasi ku daray in qaab kale loo wajihi karay arrinkan oo laga wanaagsanaa in gebi ahaanba dowladda sare loo diido ku tallaaba qaadka xeerka maaliyadda.
Waxaa uu ku celceliyay in Kenya ay ku dadaalaysa dib u soo noleynta dhaqaalaha sidaasi awgeedna aan la haysan fursad lagu xannibo qorsho ku saabsan horumarinta dhaqaalaha wadanka.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ee dalka ahna senatarka ismaamulka Kericho Aaron Cheruiyot ayaa dhankiisa sheegay in dacwadda uu maxkamadda geeyay senatarka Busia Okiya Omtatah aynan ahayn mid senate-ka uu ku mideysnaa.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu arrintan la wadaagay guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Amason Kingi oo u xaqiijiyay in isaga iyo dhigiisa baarlamaanka Moses Wetangula ay isku afgarteen meel marinta hindise maaliyadeedkii la hor geeyay golaha qaran ee xeer dejinta
This Post Has 0 Comments