Skip to content

Musharax madaxweynaha Jubbaland Dr Abdullahi ali ayaa war ka soo saaray hadalkii Siyaasi daahir sheikh

By isxaaq Rashiid Waxaan soo dhaweynayaa warsaxaafadeedka uu soo saaray siyaasiga ahna musharaxii hore madaxweynenimada Jubaland, Sheekh Daahir, iyo baaqiisa ku aadan baahida loo qabo isbadal ka dhaca Jubaland. Walaaca uu qabo ayaa ka tarjumaya niyad jabka dhabta ah ee sii kordhaya ee shacabka uu ku hayo fashilaada Axmed Madoobe. Si kastaba ha ahaatee, waxaan si xushmad leh u diidanahay eedeynta ah in dowlada Kenya ay taageersantagay hoggaankan fashilmay ee Madobe. Kenya waxay ahayd saaxiib joogto ah oo qayb ka ah amniga, horumarka, iyo dawladnimada Jubaland tan iyo markii la aasaasay. Waxaan ku boorineynaa dhammaan dalalka deriska ah – gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya – inay la shaqeeyaan dowladda federaalka si loo hubiyo isbeddel ka dhaca Jubaland. Waxa kale oo aanu ka digaynaa in si aan habioneyn loo magacaabo shakhsiyaad ixtiraam mudan sida Nuuradiin, oo ah hoggaan ku tilmaaman mabda’a iyo aragti dheer, qaybna ka qaatay nabadda iyo xasilloonida gobolka. jubaland waxaa ay ubaahantahay midnimo, maamul dastuuri ah, iyo iskaashi xooggan oo heer gobol ah kuna qotoma is ixtiraam.

Back To Top